Make your own free website on Tripod.com

BADWAYNTA CAASHAQA AYAA KU DABAALAN YAQAANNA?

Home
Taariikhda Jacaylka
Sawirada
Wararka
Related Links
Nagala soo xidhiidh
Maxaa cusub

wadnayaal.gif

Gabadhaydiiyeey:  waa tan mid kale oo ay micida la heleen warabayaashii aan arxanka lahayn iyadoo qaylinaysa qaylo midda ugu dheer una digaysa gabdhaha aynigeeda ah, ugana digaysa dariiqii aad hadda soo aragtay sharkiisa iyo dhibkiisa, waase goorma qayladu? Goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen.

 Waa tan iyada oo ka sheekaynaysa qisadeeda “maalin maalmaha ka mid ah ayaan kasoo baxay albaabka jaamacad aan dhiganyay. Waxaan hortayda  ku arkay nin dhalinyaro ah oo aad u labisan, wuu i fiirinayay sidii isaga oo i garanaya. Waan iska dhaafay aniga oo aan wax muhiimad ah siinayn. Wuu isoo daba galay isaga oo igula hadlaya hadal hoose iyo kalmado caruurnimo. wuxuu leeyahay: gabadha quruxda badaneey waxaan rabaa guurkaaga muddo ayaan ku raadinayay, waxaan ka war helay dhaqankaaga iyo edebtaada. Saantii ayaan boobay aniga oo dhidid i qooyay, waayo  waligay arintan oo kale lamaanan kulmin. Gurigii ayaan gaaray aniga oo daallan oo wareersan oo ka fakaraya arintaa. Habeenkaa maanan seexan baqdin iyo argagax.

 Maalintii labaad markii aan jaamacaddii kasoo baxay waxaan arkay isagoo albaabka igu sugaya oo dhoola caddaynaya. Waan iska dhaafay, waxaan hadba meel ka wareego isaguna  uu i daba socdo maalintii oo dhan ayuu markii danbe warqad yar albaabka guriga agtiisa iigu tuuray. Waxaan ku laba-qalbiyeeyey in aan qaato iyo in kale. Aniga oo gacantaydu giriirayso ayaan qaaday oo intaan furay akhriyey. Waxaa ka buuxa ereyo macaan oo muujinaya jacayl iyo cishqi iyo waliba ka cudurdaarasho uu ka cudurdaaranayo dhibkii iyo ciriirigii uu ii gaystay labadii maalmood ee hore. Warqadii intaan jeexjeexay ayaan tuuray.

Saacado kadib ayaa ganbaleelka teleefonku soo dhacay. Waaba wiilkii oo intuu taleefonkayga helay hadal macaan oo qabow igu leh ma akhrisay warqadii. Waxaan si xanaaq ah ku iri ; haddii aadan edeb yeelan reerkayaga ayaan ku sheegayaa, wixii kugu dhacana waad ogaan,Teleefonkiina waan ku dhigay. Saacad kadib ayuu hadana ila soo hadlay isaga oo igu beerdulucsanaya inay ujeedadiisu tahay guur oo uu yahay maalqabeen, Guri weyna uu ii dhisi doono, wax kasta oo aan rabana uu ii fulin doono iyo hadalo lamid ah. Sixir  ayaa hadalkiisii igu noqday, waxaanan bilaabay inaan u dabco oo aan sheekadiisa dhagaysto.Qalbigaygii ayuu jeexay,  waxaanan bilaabay inaan lahadlo.

Intaa kadib waxaan bilaabay mar walba inaan teleefonka  agfadhiyo oo aan sugo, markii aan jamacadda kasoo baxana aan cabaar dibadda  u taagnaado bal in aan arko. Maalin aniga oo jaamacadda kasoo baxay waaba isagii oo I sugaya. Farxad darteed ayaa qalbigeygu ku dhawaaday in uu duulo. Waxaan bilownay in aan israacno oo uu gaarigiisa nagu kexeeyo si aan magaalada  ugu soo wareegno. Waxaan dareemayay in la iga siibay doonitaankaygii oo aan ka caajisayba in aan fekero. Waaba sidii inuu qalbigaygii siibtay. Wax kasta oo uu i yiraahdoba waa rumaysanayey, gaar ahaan markii aan ka maqlo kalmadahan: Waxaad noqonaysaa xaaskaygii waxaanan ku noolaan doonnaa nolol raaxo iyo barwaaqo ah, waxaadna tahay amiiradaydii. Markaan kalmadahan maqlo ayaan farxad ishayn kari wayaa oo qalbigaygu ii sawiraa waxyaabo dhalanteed ah oo aan xad lahayn.

 Maalin maalmaha kamid ah oo noloshayda u ah maalin madow  ayuu sumcaddaydii baabi'iyey,mustaqbalkaygiina khasaariyey oo uu sharaftii iiga xayuubiyay bulshada dhexdeeda. Sidii caadada noo ahayd maalin ayaan is raacnay wuxuuna i geeyay qol goglan oo aad moodayso inuu sugayo uun caruuskii iyo caruusadii. Waan wada galnay, oo wada fariisanay. Waxaan illaaway xadiiskii nabiga NNKA (Nin iyo naagi iskuma keli noqdaan illaa shaydaan ayaa saddexeeya) Shaydaan ayaa qalbigaygii la wareegay oo hogaanka ii qabtay, wuxuuna qalbigayga ka buuxiyey cishqiga iyo hadalka wiilkaa dhalinyarada ah. Waan wada fadhinay annaga oo midba midka kale fiirinayo, kadibna waxaa na daboolay dabool cadaabkii jahannamo ah. Waxba maanan kala garanayn illaa aan ka arkay iyadoo wiilkaasi i hantay oo aan la mid noqday sidii ugaar uu libaax hoosta gashaday. Waxaan waayay wixii ugu sharafta badnaa ee aan eeganayay. Waan istaagay sidii qof waalan  oo  ku  hadaaqay aniga oo argagaxsan: Maxaad igu samaysay?  Oo uu i leeyahay:Ha baqin waxaad tahay xaaskaygii. Sidee xaaskaagii ku nqoday meherba iguma aadan xirine!  Mardhow ayaan kumehersanayaa.

Xaafaddii ayaan aaday aniga oo dhacdhacaya oo saanta qaadi la’ oo jirkayga dab Kahurayo… YAA ILAAHII… Maxaan sameeyay!! miyaan waashay…

 Dunidii mugdi ayay igu noqotay waxaanan ooyay oohin daran, waxaanan ka tagay waxbarashadaydii, xaalkaygiina waa xumaaday. Qof reerkayga kamid ihi haddii uu ogaan lahaa waxa lubbigayga ku qarsoon hoog ayaa u sugnaan lahaa, laakiin waxaan isku maaweelinayey balan qaadkiisii ahaa in uu i guursan doono.

Waxay maalinba maalin ii dhiibto,culayska i saaranina buur igala culus yahay ayaa maalin si kadis ah ganbaleelka taleefonku u dhawaaqay. Waaba cod aad mooddo inuu meel fog ka imanayo oo leh: Waxaan rabaa inaan arin muhiim ah kaala hadlo. Waan farxay, waxaanan u maleeyey inay arintaasi tahay sidii aan isku guursan lahayn. Waan qaabilay isagoo aad u labisan, wajigiisana ay ka muuqato calaamado isbadal muujinaya. Wuxuu hadal iiga bilaabay: Horta ugu horrayn ha ku fakarin waligaa guur, waxaan rabaa inaan si caadi ah u wada noolaanno guur la’aan. Dharbaaxaan qaaday anigoon is ogayn illaa dhinbilo wajigiisa hor yaaceen, waxaanan ku iri: Waxaan moodayey inaad khaladkii hore saxayso, laakiin waxaad tahay nin xun oo aan akhlaaq lahayn, gaarigiina waan ka dagay anigoo ooyaya. Wuxuu i yiri: Fadlan is daji, isagoo gacanta ku haya cajal video ah oo leh si aan ka fiirsi lahayn oo jeesjees ah: Cajalkan ayaan kugu baabi’inayaa, markaas ayaan ku iri maxaa ku duuban? Na keen aan ku tusee waad la yaabi doontaaye, ayuu yiri. Waan raacay si aan u soo arko. Shallaytadaydiiyeey maxaa ku duuban….waxaa ku duuban sawir kaamil ah oo ay ku dhamaystiran tahay wixii aan xaaraan samaynay. Waxaan ku qayliyey: Maxaad samaysay…xaaraami…shaydaan…. Wuxuu yiri: Kaamaro qarsoon ayaa qolka ku xirnayd oo duubaysay shanqar iyo dhaqdhaqaaq kasta oo aan samaynay, cajaladana waxaan u haysanayaa hub ahaan aan noloshaada ku burburinayo illaa aad yeesho waxaan ku amro. Waxaan bilaabay inaan qayliyo oo aan baroorto, waayo arintu maahayn mid kaligay qusaysa laakiin waxay qusaysay reerkayaga oo dhan. Wax kasta oo aan iraahdo iyo si kasta oo aan u baryo waa iga diiday.

 Arintii waxay ku soo gabagabowday inaan shaydaankaa la hayste u noqdo oo aan gacantiisa galo oo uu siduu doono iga yeelo. Waxay ciribtaydii noqotay in ninba nin ii dhiibo isaguna uu lacagta ka gurto. Bad ayaan ku dhacay aanan dabaasheeda garanayn, noloshaydiina waxay isku rogtay inaan ka mid noqdo kuwa jirkooda iibsada, reerkayagiina masiibadaa waxba kama oga, aad ayayna iigu kalsoonaayeen.

 

waa xarunta sollas
Masiibaba masiibaa ka darane, wuxuu faafiyay cajaladii waxayna gacantiisa gashay ina adeerkay. Hoogaygee arintii waa qaraxday, waxayna gaartay dhammaan reerkayagii, waxayna ku faaftay magaaladii oo dhan, reerkayagiina waxaan u soo jiiday fadeexo aan la qiyaasi Karin.Waan cararay oo dhuuntay si aan naftayda u badbaadiyo.Ma naf la badbaadiyaa!! Waxaan ogaaday in waalidkay iyo walaalahay ay u haajireen magaalo kale, laakiin ceebtii iyo fadeexadii kama harine waa kadaba guurtay. Waxay arintii noqotay mid looga sheekaysto goobaha la isugu yimaado oo tusaale loo soo qaato, cajalkiina wuxuu noqday mid dhalinyarada dhex wareega oo ay isku dhiidhiibaan. Waxaan ku dhexnoolaa mawjado masiibooyin iyo dullinnimo ah.

 Karaahiyaa dulliga ahi waa midkii halkaa i dhigay oo la hayste iga dhigtay, wuxuuna gacantiisa ku burburiyey reero badan, wuxuuna mustaqbalkooda lumiyay gabdho badan oo uu qar ka tuuray. Waxaan goostay inaan ka aargoosto.

Maalin maalmaha ka mid ayuu wuxuu ii soo galay isagoo aan caadi ahayn oo sarkhaansan. Fursadii ayaan ka faa’iidaystay oo intaan middi qaatay caloosha ka daray. Waan dilay ibliiskii muuqaalka dadeed lahaa, bulshadiina waxaan uga raaxeeyey shartiisii,aniguna waxaan galay xabsi..

Xaalkaygu wuxuu noqday masiibo ka guur oo mid kale dhexdabaalo, waxaana i hareeyey daruuro ciil iyo murugo ah, waxaan dhadhamiyey dullinimo iyo darxumo, waxaanan ciirsi mooday oohin iyo shallayto. Waxay arintaas igu reebtay uurkutaallo aanan marna qalbigayga ka bixin, waxaanan ka samray naf iyo nolol.markii aan cajalkii xusuustaba waxaa ii sawirma inay meel walba i dabajoogto oo ay i sawirayso. 

Waxaan u qoray qisadaydan inay waano iyo cibro u noqoto gabar kasta oo ay dhaqaajiso ama daba orodda kalmado macaan iyo jacayl dhalanteed ah ama warqado been iyo khiyaamo lagu qurxiyey.

 Walaaleey iska jir…iska jir walaaleey taleefonka…..iska jir taleefonka….iska jir…. 

Gabadhaydiiyeey: Hadda miyaan la gaarin waqtigii ay ku waano qaadan lahayd gabar kasta oo muslimad ah kuwaa ku hungoobay ballamihii beenta ahaa ka dib markii la baabi’iyey sharaftoodii lana dhaawacay dadnimadoodii lana dhadhansiiyey masiibo waxay macaan iyo kharaar lahayd. Xoogaa ayay macaan waqti gaaban ah la qaybsan, kadibna wuu iloobi, iyaduna waligeed waxay hoy u noqon dhib iyo darxumo. Waraabe dadowgii wuxuu hadana baadigoobi mid kale oo warmoog ah oo uu micida la heli, oo dhibco sun ah caloosheeda ku tuuri, kadibna uu isaga tagi iyadoo dhex dabaalanaysa bad aanay ka bixi Karin. Kadib bulshadu isaga way cafin oo waxay oran: Waa nin dhalinyaro ah oo toobad keenay, iyaduse waxay ku waari hoog iyo sharaf dhac inta nolosheeda ka dhimman, bulshaduna marnaba cafin mayso. 

Haddii markay shayaadiinta la kulanto ay indhaha ka laaban lahayd, oo ay tusi lahayd adadayg iyo inay ka jeesato, oo haddii uu ka hari waayona ay jidka dhexdiisa inta kabta la baxdo madaxa ku jeexi lahayd, waxay arki lahayd sida qof kasta oo jidka maraya uu ugu gargaari lahaa, mar dambena kuma soo dhiiradeen faajir is qarinaya, kii wanaag doonayana guur ayuu ugu iman lahaa.

 Gabadhaydiiyeey: Daldaloolada Waraabe-dadowgu uu gabadha miskiinta ah ka helo ee uu ka soo galo waa inuu guur u ballan qaado. Ogow oo qalbigaaga gali in waraabe-dadowgu meel kasta oo uu ka gaaro xumaanta iyo faajirnimada marna kuma raali noqonayo inuu guursado oo uu xaas ka dhigto mid simbiriirixatay oo ay hooyo u noqoto carruurtiisa.

Bal eeg faajirkaa wuxuu miskiintaa maskaxda uga xaday kalmaddan “Waan ku guursanayaa”, waxayna kalmaddaasi u fududaysay inuu u khiyaamo si fudud oo ay noqoto furihii uu ku furan lahaa qalbigeeda, kadibna uu haadaan aanay ka soo bixi Karin ku tuuray.

 Ugu dambayn waxaan ALLAAH ka baryayaa inuu kaa badbaadiyo dhagarta iyo dhibaatooyinka kuwa dad-u-ekayaasha ah ee halaagga iyo masiibada baday kumannaan da’daada ah oo ku waayay sharaftii iyo cisadii ay bulshada ku dhex lahaayeen.  

 Qisadan oo ah mid dhacday, waxay gabadhu  soo qortay iyadoo xabsiga ku jirta, waxayna u soo qortay nin shiikh ah, kadibna shiikhaasi wuxuu uga waramay dhacdadaa cajal maqal ah, waxaanan filayaa bogoga qaarkood in kal hore lagu soo qoray.

Weekly Question

Collectors often like to share their knowledge -- or show it off, as the case may be. In this area, I'll include a quiz question that has to do with my collection. E-mail me if you know the answer.

This week's question: In what year were Hummel figurines first introduced?

Answer to last week's question: The rarest Beanie Baby is widely thought to be the original "Peanut the Royal Blue Elephant." Only 2,000 were produced.

gabadhay.gif

 BEENTA IYO KHAYAANADU WAA BURBURIYAHA JACAYLKA,
Inta badan waxaa dhacda in labo qof oo Lamaane ah ay si kedis ah oo lama filaan ah isu gariifaan amaba ku kala tagaan, waxaana inta badan kala tagoodaas ama is gariifkooda sabab looga dhigaa bilowga haasawahooda oo ay ku unkaan been & hadalo aan jirin oo khayaano ah.

Haddaba beys xumida & been ku shukaansiga ayaa lagu tilmaami karaa kuwa ugu waaweyn ee ka dambeeya khilaafka soo noqnoqda ee ka dhex dhaca Lamaanayaasha, waxa aadna arrintan si toos ah uga dhex fahmi kartaa dhaqan haasawadeedka bulshadeena Soomaaliyeed, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa xikmadda ay ragga qaar ku dhaqmaan ee oranaysa “Naagi been ayaa lagu soo xero geliyaa runna waa laguu dhaqaa” haddii aad u fiirsato xikmaddan waxaad arkaysaa halka ay mushkiladdu ka curato inay tahay guurka salka looga dhigayo beenta, iyadoo la ogyahay in beentu ay xaaraan tahay haddana wax been sal looga dhigay nafci & naxariis kama ay soo baxaan waayo qofkii been lagu soo siray markii uu xaqiiqda ogaado wuu ka aamin baxayaa qofkii soo khalday, taasina waa bilowga ismaandhaafka & kala taga lamaanayaasha Caashaq wadaaga noqday.

Ragga oo kaliya beenta ma adeegsadaan oo dumarkuba waxaay hal-heys ka dhigtaan oraahda oranaysa “Naagi Kun bey kulmisaa, kowna way kala baxdaa” ku dhaqanka murtidan waxaa ka dhalanaya khiyaano, waayo dumarka haddii Kun nin ay haasaawe ku kulmiyaan sow ma dhacayso in nin walba hami & Jacayl ku beerma, bal ka waran qofkaas hamiga Jacaylku ku abuurmay haddii mid kale laga raaco sow khiyaano & sir loo geystay ma aha?.

Dhacdo hadda kahor ku dhacday gabar khiyaameysay wiil saaxiib la ahaa oo muddo badan ka dhur sugayay isagoo aaminay, balse ay iyadu muddadaas khiyaano & sir Jacayl ku waday ayaa wuxuu wiilkii ka war helay in gabadhii uu jeclaa ee ballanta kula gashay guurka loo soo sheegay in xafladdii arooskeeda uu dhacayo, wuu beensaday oo ka-ma uusan fileyn, markaasuu tagay goobtii xafladda arooskeeda, markii uu hubsaday in iyada la guursanayo ayuu naxdin la suuxay, wax yar kadib markii uu soo baraarugay ayaa waxaa afkiisa ka soo burqaday tix gabay habaar ah oo ku bilaabanaysa sidan “Ilaah & Owliyadaan baryiye, Allow af-ku-leeble iga yeel, Ayaamo nuxuus laguu hoo, oo arooska asaay laguu saar, abeer noqo feera weyn, oo Allow yaadan dheelin dhallaan, ninkii ku guursada geeriyoo, oo Allow yaadan gelin gandoob, haddey dhalyadeenu dhab tahay, Allow yaadan dhalin dhal nool nool”.

Intaas markii uu mariyey ayuu meeshii ka luuday, balse labo Usbuuc kadib ninkii gabadhaas guursaday xannuun ayaa ku soo booday oo wuu geeriyooday, markaa kadib ayaa nin walaalkiis ahi dumaalay, isna cudurka TB-da ayuu muddo kadib u dhintay, waxa kale oo guursaday nin kale oo isna ka dhintay, kadibna nin kale ma aysan guursan, wax carruur ahna ma aysan dhalin oo wiilkii daacadda u ahaa ee ay sirtay habaarkiisii ayaa asiibay.

Cuqubadaas foosha xun waxaa u sabab ah been & khiyaano lagu sameeyay qof daacad ah damacna laga soo riday, kadibna looga baxay oo meel cidlo ah looga tagay. W/Qcabdi qani ismaaciil goox

Please let me know what you think of my collection and site!

Boggan waxaa diyaariyay wiiljacayl